14 Oct Muuqaalka saboolnimada Soomaaliya 2016
Muuqaalka saboolnimada Soomaaliya 2016 : xoqta laqa helay heerka 1-aad ee sahanka saree ee Soomaaliya
Dul maris ku aadan fulinta
1. Soomaaliya waxay ka soo kabanaysaa 25 sano oo deganaan la’aan siyaasadeed iyo dhibaato
dhaqaale laakiin waxaa adag maqnaanshaha xogta cadaynaysa aasaaska qorshaynta. Dagaaladda
sokeeye iyo isku dhacyada soo bilowday 1991 waxay kala googooyeen wadanka, waxay xididada u
suubeen hay’adihii siyaasaeed iyo inay abuureen dayacnaan badan oo si baahsan uga jirta
wadanka.
Dagaladu waxay gooyeen tirooyinkii kaabayaasha dhaqaalaha iyo awoodda, waxayna abuureen
bananaansho xog tirokoob oo ay keentay maqnaanshaha xog rasmi ah oo la isku halayn karo.
Maqnaanshaha wax meteli kara sahan ku aadan wax haysiga qoyska ma badnayn kaasoo lagu ogaanayo
heerka saboolnimada. La’aanta warbixinaha heerka ayaa khatar ku ahaa
jaan goynta iyo fulinta
siyaasadaha iyo barnaamijyada loo bahan yahay si loo taageero adkaysiga dhaqaalaha iyo horumarinta,
sidoo kale waxay abuurtay madax wareer ku aadan taakulaynta.
2. Gobolku wakhtigan wuxuu wajahaya abaar daran oo wakhti dheer taagnayd, tanoo ka dhigtay kala
bar dadka wadanka kuwo ku sugan xaalad khatar ah, inta
badan dhulka miyiga ah iyo meelaha ay
degan yihiin barakacayaashu. Haqab beelka cuntada ee gobolka ayaa ka sii darayey, tanoo ay ugu
wacan tahay roobabkii dai jiray intii u dhaxaysay bilaha Oktoobar, 2016 iyo March, 2017, waxaa
hooseeyey heerka roobabkii la rajaynayey xilliga bilaha Abriil ilaa Juun 2017, in ka
badan 6 milyan oo qof
ayaa ku sii sugnaan doona cuno yari ba’an. Juquraafii ahaan, abaartu waa tan ugu daran ee sida daran u
saamaysa koonfurta dagaaladii ka hor gobollada Bay iyo Bakool, sidoo kale dhul daaqsimeedka Waqooyi
Bari, waxayna keentay dalagyadii oo baaba’a iyo xoolihii oo dhinta. Wax soo baxaya
ayaa la filayaa inay hoos u dhacaan 10.6 % 2017. Taasoo ay raacdo qiimaha cuntada daruuriga ah oo aad kor ugu kaca, awooda wax iibsiga qoyska oo yaraata. In ka badan rubuc milayn qof ayaa mar horeba abaartu barakicisay.