Daahfurka Buugga Sahanka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Buugga Sahanka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Puntland.

Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dawladda Putnland oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda UNFPA waxay Soo bandhigtay maanta 29 ka bisha 11aad 2020 Warbixinta Sahanka Caafimaadka iyo Macluumaadka Arimaha Bulshada Puntland.

Qabashada sahankaan waxay soo billaabantay 2018, xog aruurintana waxaa laga sameeyey magaalooyinka, tuulooyinka iyo miyiga dhammaan Gobollada Puntland.

Xogta sahanka waxaa aruuriyey xirfadlayaal caafimaad oo u badan gabdho kuwaas tababar dheeriya ay siiyeen khuburo ka kala socota Waaxda Istaatistikada oo iyadu hogaaminaysay hirgelinta. Sahankaana ayaa ah mid laga hirgaliyey dhamaan dalka Soomaaliya oo idil.

Hirgelinta Sahankaan waxaa Waaxda Istaatistikada farsamo ahaan ka caawinayey  hay’ada UNFPA oo qaramada midoobey u qaabilsan horumarinta dadweynaha.

Mawduucyada ugu waaweyn ee sahanku diirada saarey waxaa ka mid ah aruurinta xogta dabeecaha iyo qaaabdhismeedka dadweynaha, xogta caafimaadka, gaar ahaan arrimaha dhallaaanka iyo hooyada, xaaladda cudurada faafa, arrimaha waxbarashada, doorka dumarka iyo galaangal u helidda adeegyada aasaasiga ah.

Ujeedka sahanka ayaa ah in la helo xog sax oo dhammaystiran oo gashi u noqota jaangoynta baahiyaha arrimaha bulshada, dejinta baraamijyada horumarineed ee arrimaha bulshada iyo in go’aamada noqdaan kuwa ku dhisan cadeyn iyo hubaal.