Xeerka Istaatistikada Puntland oo La meel mariyey

Golaha wakiiladda Puntland ayaa manta oo ay taariikhdu ku suntantahay 20/06/2019 meel mariyey Xeerka Istaatistikada Puntland oo ay Golaha wakiilada uso gudbisay  Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Waaxdeeda Istaatistikada.

Xeerka Istatistikadu Wuxuu muhiim u yahay  tayeynta soo saarista xogaha muhiimka u ah qorsheynta iyo qiimeynta baraamijyada horumarineed , keydinta iyo ilaalinta xogaha dadweynaha, dawladda iyo kheyraadka dalka iyo tirtirida burcad xogeedka sida sharci darada ah sahannada iyo xog-uruurinta uga sameeya gudaha Puntland.

Wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga waxay uga mahad-celinaysa Golaha wakiilada ee dawladda Puntland meel-marinta xeerkaan muhiimka ah, si-gaara waxay wasaaraddu ugu mahad-celinaysaa gudi-hoosaadka Golaha Wakiiladda u qaabilsan  qorsheynta oo door wacan kulahaa meel-marinta xeerkaan.