Wax-soosaarka Guud ee Puntland 2012-2018

Hordhac

Waaxda Istaatistikada Puntland oo ah waax ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku hawlanayd soo-saarista qiyaasta waxsoosaarka gudaha Puntland ee sanadadii (2012-2018), hawshaan oo mudo hakad ugu jirtay sababo la xiriira turxaan bixinta cillado farsamo oo dhinaca xogta.  Sanadkii 2011 ayey ahayd markii u dambaysay ee warbaxintaan si rasmiya loo daabaco.

Waaxda oo taageero farsamo aqooneed ka helaysa hay’ada Istaatistikada dalka Iswiidhan ayaa dabayaaqada sanadkii 2017 bilowday hawsha lagu qiyaasayo waxsoosaarka Puntland ee sanadii hakadku galay. Diyaarinta xirfadlayaashii shaqadaan qabanlahaa, iyo manhajkii hagilahaa raad-raacidda, soo arruurinta, kala shaadheynta, hagaajinta iyo hubinta sax-ahaanshaha xogta la helikaray, iyo hanaanka loo marayo qiyaasta wax-soosaarka guud ee gudaha Puntland, ugu yaraana waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee shaqadaan loo qabto, si natiijadu u noqoto mid la isku haleyn karo ayaa qaadatay waqtigaas labada sano iyo dheeraadka ah.

Qeexitaan ahaan, Wax soosaarka guud ee gudaha ayaa loola jeedaa wadarta sicirka ay suuqa ku yaalaan dhammaan badeecadaha iyo adeegyada lagu soo saaray xuduud dhulleed cayimid, waqti mudeysan. Wax-soosaarka guud ee gudaha ayaa ah muujiye ka sawir bixiya heerka iyo kobaca tayada nololeed ee bulsho iyada oo laga anbaqaadayo aragtida oranaysa in tayada nololeed ee ummad walba ku xirantahay heerka awoodooda wax-soosaar.

Soo-saarista warbixintaan ayaa saldhig iyo gashi muhiim ah u ah dadaalada iyo go’aanada lagu hagaajinayo ama lagu sii hormarinayo dhaqaalaha. Wasaaradda Qorsheynta ayaa hadda kadib warbixintaan u daabicidoonta si sanadle ah, iyada oo sanad walba warbixintiisa la daabicidoono bartamaha sanadka xiga haddii Alle idmo.

wax-soosaarka guud Shaxda 2

Wax Soosaarka Guud PL 2012-2018