15 Oct Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Sebteembar, 2020
Dhaqdhaqaaqa Billaha ee Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha
Tusaha Guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha (TSD) qeybahiisa kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray bishii Sebteembar 2020 gaaray 89.05, halka uu bishii ka horeysay ee Agoosto ahaa 88.97. Isbedelka billaha ee bishii dhammaatay ee Sebteembar ayaa ahaa koror dhan 0.09 boqolkiiba, halka bishii ka horeysay ee Agoosto 2020 jiray hoos u dhac dhan -0.75 boqolkiiba.