Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Nofeember, 2019

Dhaqdhaqaaqa Billaha ee Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha

Tusaha guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha qeybaheeda kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray bishii Nofeembar hoos uga soo dhacay 84.6 gaarayna 84.3. Isbedelka bishii Nofeembar ayaa ah hoos u dhacay -0.2 boqolkiiba, halka uu bishii ka horeysay ee Oktoobar kor u kacay 0.2 boqolkiiba.

Qaybaha badeecadaha ee sicirkoodu bishaan sida xoogan u siyaaday marka loo eego qeybaha kale ayaa kala ah: Agabka dhaqanka iyo Madadaalada (+5.9%), Makhaayadaha iyo Huteelada (+4.7%), Gaadiidka (+2.2%), Dharka iyo Kabaha (+2.1%), Agabka Guryaha iyo Dayactirka (+1.1%) iyo Isgaarsiinta (+0.2%).

Dhinaca kale, hoos u dhac ku yimid sicirka: Badeecadaha iyo Adeegyada iskujirka ah (-6.6%), Caafimaadka (-2.5%), Tubaakada iyo Jaadka (-1.7%) iyo Kirada guryaha, Biyaha, Korontada, Gaaska iyo Shidaalada kale (-0.9%) ayaa dheelitiray isbedelka togan ee ku dhacay sicirka badeecadaha kor ku xusan, taas oo horseeday isu dhowaanshaha heerka Tusaha guud ee sicirka Dambiisha iyo Jiitimaad ku sugnaansha Jaantuuska dhaqdhaqaaqa Tusaha guud ee sicirka Dambiisha

Tirooyinka ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqyada Nofeember 2019 iyada oo laga eeegayo hanaanka kala soocida badeecadaha

wdt_ID Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Nofeember-18 Tusaha Ogtoober-19 Tusaha Nofeember-19 Tusaha Ogtoober-19 to Nofeember-19 (Bile) % Isbedelka Nofeember-18 to Nofeember-19 (Sanadle) % Isbedelka
1 TSD ee dhaman qaybaha badeecadaha 74.3 84.6 84.3 -0.2 13.5
2 Cunada iyo Cabitaanada 73.3 82.2 82.1 -0.1 12.0
3 Mukhaadiradka (tubakada, jaadka iyo sigaarka) 74.5 88.7 87.2 -1.7 17.2
4 Dharka iyo Kabaha 68.8 84.4 86.1 2.1 25.2
5 Kirada guryaha, Biyaha, Korontda, Gaas iyo Shidaalada kale 73.6 86.3 85.6 -0.9 16.2
6 Agabka Guryaha iyo Dayactirka 81.2 86.5 87.4 1.1 7.6
7 Caafimaadka 69.3 81.5 79.5 -2.5 14.7
8 Gaadiidka 73.1 89.0 90.9 2.2 24.3
9 Isgaarsiinta 83.8 86.8 87.0 0.2 3.8
10 Dhaqanka iyo Madadaalada 84.6 93.0 98.5 5.9 16.5
Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Nofeember-18 Tusaha Ogtoober-19 Tusaha Nofeember-19 Tusaha Ogtoober-19 to Nofeember-19 (Bile) % Isbedelka Nofeember-18 to Nofeember-19 (Sanadle) % Isbedelka

TSD November