Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Maajo, 2020

Dhaqdhaqaaqa Billaha ee Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha

Tusaha Guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha (TSD) qeybahiisa kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray bishii Maajo 2020 wuxuu kaso kacay 87.66 isaga oo gaaray 88.11. Isbedelka bishii Maajo ayaa ah koror dhan 0.51 boqolkiiba, halka uu bishii ka horeysay ee Abriil 2020 uu ka ahaa koror dhan 1.60 boqolkiiba.

Qaybaha badeecadaha ee sicirkoodu bishaan sida xoogan u siyaaday marka loo eego qeybaha kale ayaa kala ah:  Makhaayadaha &Hoteeladda (3.25%), Badeecadaha iyo Adeegyada iskujirka ah (2.23%), Dharka iyo Kabaha (1.07%),   Caafimaadka (0.89%), Cuntada iyo cabitaanadda (0.60%).

Dhinaca kale, hoos u dhac ayaa  ku yimid sicirka  Tubaakada iyo Jaadka (-0.49%), qeybaha Kirada Guryaha, Korantada , Biya iyo shidaalka (-0.20%), Gaadiidka (-0.16%). Hoos u dhacaan ayaa dheelitiray isbedelka togan ee ku dhacay sicirka badeecadaha kor ku xusan, taas oo horseeday isu dhowaanshaha heerka Tusaha guud ee sicirka Dambiisha iyo Jiitimaad ku sugnaansha Jaantuuska dhaqdhaqaaqa Tusaha guud ee sicirka Dambiisha.

Tirooyinka ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqyada Maajo 2020 iyada oo laga eeegayo hanaanka kala soocida badeecadaha

wdt_ID Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Maajo-19 Tusaha Abriil-20 Tusaha Maajo-20 Tusaha Abriil-20 to Maajo-20 (Bile) % Isbedelka Maajo.-19 to Maajo-20 (Sanadle) % Isbedelka
1 TSD ee dhaman qaybaha badeecadaha 84.79 87.66 88.11 0.51 3.91
2 Cunada iyo Cabitaanada 84.07 85.25 85.76 0.60 2.02
3 Mukhaadiradka (tubakada, jaadka iyo sigaarka) 82.48 100.81 99.31 -1.49 20.40
4 Dharka iyo Kabaha 82.34 93.91 94.91 1.07 15.27
5 Kirada guryaha, Biyaha, Korontda, Gaas iyo Shidaalada kale 85.13 86.90 86.73 -0.20 1.88
6 Agabka Guryaha iyo Dayactirka 85.53 87.94 88.45 0.58 3.41
7 Caafimaadka 79.99 84.37 85.13 0.89 6.42
8 Gaadiidka 88.59 91.58 91.43 -0.16 3.21
9 Isgaarsiinta 85.68 87.67 87.64 -0.03 2.29
10 Dhaqanka iyo Madadaalada 96.05 104.02 104.07 0.05 8.35
Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Maajo-19 Tusaha Abriil-20 Tusaha Maajo-20 Tusaha Abriil-20 to Maajo-20 (Bile) % Isbedelka Maajo.-19 to Maajo-20 (Sanadle) % Isbedelka

TSD Maajo 2020