Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Janaayo, 2020

Dhaqdhaqaaqa Billaha ee Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha

Tusaha Guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha (TSD) qeybaheeda kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray bishii Janaayo 2020 gaaray 84.90 halka uu bishii ka horeysay ee Diseembar 2019 ka ahaa 84.85. Isbedelka bishii  Janaayo 2020 ayaa  ahaa 0.06 boqolkiiba, halka bishii ka horeysay ee Diseembar 2019 uu ahaa 0.6 boqolkiiba.    

Qaybaha badeecadaha ee sicirkoodu bishaan sida xoogan u siyaaday marka loo eego qeybaha kale ayaa kala ah: Isgaarsiinta (2.35%), Tubaakadda iyo Qaadka (2.04%), Caafimaadka (+1.83), Agabka Guryaha iyo Dayactirka (+1.32%), Gaadiidka (+0.58%), Makhaayadaha &Hoteeladda (+0.49%) .

Dhinaca kale, hoos u dhac ku yimid sicirka: Badeecadaha iyo Adeegyada iskujirka ah (-0.88%),  Dharka iyo Kabaha (-0.81%), Kirada guryaha, Biyaha, Korontada, Gaaska iyo Shidaalada kale (-0.66%),Waxbarashada (-0.07%)  ayaa dheelitiray isbedelka togan ee ku dhacay sicirka badeecadaha kor ku xusan, taas oo horseeday isu dhowaanshaha heerka Tusaha guud ee sicirka Dambiisha iyo Jiitimaad ku sugnaansha Jaantuuska dhaqdhaqaaqa Tusaha guud ee sicirka Dambiisha.

Tirooyinka ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqyada Janaayo 2020 iyada oo laga eeegayo hanaanka kala soocida badeecadaha

wdt_ID Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Janaayo-19 Tusaha December-19 Tusaha Janaayo-20 Tusaha Deseember-19 to Janaayo-20 (Bile) % Isbedelka Janaayo-19 to Janaayo-20 (Sanadle) % Isbedelka
1 TSD ee dhaman qaybaha badeecadaha 77.80 84.85 84.90 0.06 9.14
2 Cunada iyo Cabitaanada 76.63 81.70 81.93 0.29 6.92
3 Mukhaadiradka (tubakada, jaadka iyo sigaarka) 76.16 88.49 90.30 2.04 18.57
4 Dharka iyo Kabaha 73.75 86.67 85.97 -0.81 16.57
5 Kirada guryaha, Biyaha, Korontda, Gaas iyo Shidaalada kale 76.64 87.48 86.90 -0.66 13.39
6 Agabka Guryaha iyo Dayactirka 81.46 87.69 88.85 1.32 9.06
7 Caafimaadka 74.78 81.74 83.24 1.83 11.31
8 Gaadiidka 79.01 90.99 91.52 0.58 15.85
9 Isgaarsiinta 84.00 85.88 87.90 2.35 4.64
10 Dhaqanka iyo Madadaalada 88.26 102.92 102.88 -0.04 16.56
Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Janaayo-19 Tusaha December-19 Tusaha Janaayo-20 Tusaha Deseember-19 to Janaayo-20 (Bile) % Isbedelka Janaayo-19 to Janaayo-20 (Sanadle) % Isbedelka

TSD Janaayo 2020