
15 Mar Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Febraayo, 2021
Dhaqdhaqaaqa Billaha ee Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha
Tusaha Guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha Suuqyada Puntland (TSD) ayaa intii lagu guda jiray bishii Febaraayo 2021 hoos uga soo dhacay 87.79, halka uu bishii ka horeysay ee Janaayo 2020 ka ahaa 88.76. Isbedelka bishii dhammaatay ee Febaraayo ayaa ahaa hoos u dhac dhan 0.94 boqolkiiba, halka bishii ka horeysay ee Janaayo 2021 uu isdoo kale jiray hoos u dhac dhan 1.52 boqolkiiba.