Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Febraayo, 2020

Dhaqdhaqaaqa Billaha ee Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha

Tusaha guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha (TSD) qeybaheeda kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray Febraayo 2020 gaaray 85.36 marka la barbarddhigo Bishii Janaayo 2020 oo uu ahaa 84.90. Isbedelka billaha ah ee Febraayo 2020 ayaa ah koror dhan 0.54 boqolkiiba, halka uu bishii ka horeysay ee Janaayo 2020 ka ahaa  0.06 boqolkiiba.

Qaybaha badeecadaha ee sicirkoodu bishaan sida xoogan u siyaaday marka loo eego qeybaha kale ayaa kala ah: badeecaha iyo alaabta isku jirka ah (8.04%), Dharka iyo Kabaha (2.49%), Tubaakada iyo Jaadka (+2.14%), Cuntada iyo cabitaanadda (+0.48%). Caafimaadka (+0.35.).

Dhinaca kale, hoos u dhac ku yimid sicirka: Badeecadaha iyo Adeegyada iskujirka ah Makhaayadaha &Hoteeladda (-3.18%). Agabka dhaqanka iyo Madadaalada (-0.49%), Isgaarsiinta (-0.43%). Gaadiidka (-0.43%).  Hoos u dhacaan ayaa dheelitiray isbedelka togan ee ku dhacay sicirka badeecadaha kor ku xusan, taas oo horseeday isu dhowaanshaha heerka Tusaha guud ee sicirka Dambiisha iyo Jiitimaad ku sugnaansha Jaantuuska dhaqdhaqaaqa Tusaha guud ee sicirka Dambiisha.

Tirooyinka ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqyada Febraayo 2020 iyada oo laga eeegayo hanaanka kala soocida badeecadaha

wdt_ID Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Febraayo-19 Tusaha Janaayo-19 Tusaha Febraayo-20 Tusaha Janaayo-20 to Febraayo-20 (Bile) % Isbedelka Febraayo-19 to Febraayo-20 (Sanadle) % Isbedelka
1 TSD ee dhaman qaybaha badeecadaha 78.06 84.90 85.36 0.54 9.35
2 Cunada iyo Cabitaanada 76.78 81.93 82.33 0.48 7.22
3 Mukhaadiradka (tubakada, jaadka iyo sigaarka) 78.34 90.30 92.24 2.14 17.73
4 Dharka iyo Kabaha 75.10 85.97 88.12 2.49 17.33
5 Kirada guryaha, Biyaha, Korontda, Gaas iyo Shidaalada kale 76.13 86.90 86.83 -0.08 14.05
6 Agabka Guryaha iyo Dayactirka 81.54 88.85 88.54 -0.35 8.59
7 Caafimaadka 74.92 83.24 83.52 0.35 11.49
8 Gaadiidka 86.44 91.52 91.13 -0.43 5.42
9 Isgaarsiinta 84.00 87.90 87.52 -0.43 4.19
10 Dhaqanka iyo Madadaalada 88.27 102.88 102.37 -0.49 15.97
Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Febraayo-19 Tusaha Janaayo-19 Tusaha Febraayo-20 Tusaha Janaayo-20 to Febraayo-20 (Bile) % Isbedelka Febraayo-19 to Febraayo-20 (Sanadle) % Isbedelka

TSD Febraayo 2020