Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Diseember, 2019

Dhaqdhaqaaqa Billaha ee Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha

Tusaha guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha (TSD) qeybaheeda kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray bishii Diseembar ka kordhay 84.34 ayaa gaaray 84.85. Isbedelka bishii Diseembar ayaa ah koror dhan 0.60 boqolkiiba, halka uu bishii ka horeysay ee Nofeembar hoos u dhacay -0.2 boqolkiiba.

Qaybaha badeecadaha ee sicirkoodu bishaan sida xoogan u siyaaday marka loo eego qeybaha kale ayaa kala ah: Agabka dhaqanka iyo Madadaalada (+4.46%), Caafimaadka (+2.83), Badeecadaha iyo Adeegyada iskujirka ah (+2.26%), Kirada guryaha, Biyaha, Korontada, Gaaska iyo Shidaalada kale (+2.21%), Tubaakada iyo Jaadka (+1.44%), Gaadiidka (+2.2%), Dharka iyo Kabaha (+0.62%), iyo Agabka Guryaha iyo Dayactirka (+0.35%).

Dhinaca kale, hoos u dhac ku yimid sicirka: Isgaarsiinta (-1.28%), Makhaayadaha iyo Huteelada (-1.12%) iyo Cunnada iyo cabitaanka(-0.52%) ayaa dheelitiray isbedelka togan ee ku dhacay sicirka badeecadaha kor ku xusan, taas oo horseeday isu dhowaanshaha heerka Tusaha guud ee sicirka Dambiisha iyo Jiitimaad ku sugnaansha Jaantuuska dhaqdhaqaaqa Tusaha guud ee sicirka Dambiisha.

Tirooyinka ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqyada Deceember 2019 iyada oo laga eeegayo hanaanka kala soocida badeecadaha

wdt_ID Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Diseember-18 Tusaha Nofeember-19 Tusaha Diseember-19 Tusaha Nofeember-19 to Diseember-19 (Bile) % Isbedelka Diseember-18 to Diseember-19 (Sanadle) % Isbedelka
1 TSD ee dhaman qaybaha badeecadaha 75.56 84.34 84.85 0.60 12.29
2 Cunada iyo Cabitaanada 74.48 82.12 81.70 -0.52 9.70
3 Mukhaadiradka (tubakada, jaadka iyo sigaarka) 74.92 87.24 88.49 1.44 18.11
4 Dharka iyo Kabaha 70.36 86.14 86.67 0.62 23.18
5 Kirada guryaha, Biyaha, Korontda, Gaas iyo Shidaalada kale 74.47 85.58 87.47 2.21 17.46
6 Agabka Guryaha iyo Dayactirka 81.74 87.39 87.69 0.35 7.29
7 Caafimaadka 72.24 79.48 81.74 2.83 13.15
8 Gaadiidka 76.00 90.95 90.99 0.05 19.73
9 Isgaarsiinta 83.64 87.00 85.88 -1.28 2.68
10 Dhaqanka iyo Madadaalada 86.63 98.52 102.92 4.46 18.80
Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Diseember-18 Tusaha Nofeember-19 Tusaha Diseember-19 Tusaha Nofeember-19 to Diseember-19 (Bile) % Isbedelka Diseember-18 to Diseember-19 (Sanadle) % Isbedelka

TSD Diseember