Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Agoosto, 2019

Tusaha guud ee Sicirka Dambiisha qeybaheeda kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray bishii Agoosto kaso kacay 84.2 gaarayna 84.3. Isbedelka bishii Agoosto ayaa ah kor u kac dhan 0.1 boqolkiiba, halka uu bishii ka horeysay ee Luuliyo hoos u dhacay 0.1 boqolkiiba.

Qaybaha badeecadaha ee sicirkoodu bishaan sida xoogan u siyaaday marka loo eego qeybaha kale ayaa kala ah: qaybta mukhaadaraadka Tubaakada, Jaadka iyo Sigaarka (+6.7%), qaybta kirada Guryaha, Adeegyada Biyaha, Korontada, Gaaska cunada iyo Shidaalka (+4.8), qaybta badeecadaha iyo Adeegyada isku jirka ah (3.7%), Waxbarashada (+2.9%), Dharka iyo Kabaha (+2.0%) iyo qaybta Gaadiidka (+2.0%).

Dhanica kale, hoos u dhac ku yimid sicirka Makhaayadaha iyo Huteellada (-3.3%), Cunada iyo Cabitaanka (-3.1%), Isgaarsiinta (-2.5%), Qalabaynta iyo Dayactirka Guryaha (-2.5%), Caafimaadka (-2.4%), Agabka Dhaqanka iyo Madadaalada (-1.2%) ayaa dheelitiray isbeddelka togan ee ku dhacay sicirka badeecadaha kor ku xusan, taas oo horseeday isu dhawaanshaha heerarka Tusaha guud ee Sicirka Dambiisha iyo jiitimeed ku sugnaasha Jaantuuska dhaqdhaqaaqa Tusaha guud ee Sicirka Dambiisha.

Tirooyinka ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqyada August 2019 iyada oo laga eeegayo hanaanka kala soocida badeecadaha

wdt_ID Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Aug-18 Tusaha Jul-19 Tusaha Aug-19 Tusaha Jul-19 to Aug-19 (Bile) % Isbedelka Aug-18 to Aug-19 (Sanadle) % Isbedelka
1 TSD ee dhaman qaybaha badeecadaha 75.3 84.2 84.3 0.9 11.9
2 Cunada iyo Cabitaanada 74.2 82.7 80.1 -3.1 8.1
3 Mukhaadiradka (tubakada, jaadka iyo sigaarka) 76.6 83.7 89.4 6.7 16.7
4 Dharka iyo Kabaha 71.2 83.2 84.8 2.0 19.2
5 Kirada guryaha, Biyaha, Korontda, Gaas iyo Shidaalada kale 74.1 84.7 88.8 4.8 19.8
6 Agabka Guryaha iyo Dayactirka 79.0 86.3 84.2 -2.5 6.5
7 Caafimaadka 71.0 81.3 79.4 -2.4 11.8
8 Gaadiidka 76.2 88.4 90.2 2.0 18.3
9 Isgaarsiinta 83.9 85.9 83.7 -2.5 -0.2
10 Dhaqanka iyo Madadaalada 85.0 97.4 96.2 -1.2 13.2
Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Aug-18 Tusaha Jul-19 Tusaha Aug-19 Tusaha Jul-19 to Aug-19 (Bile) % Isbedelka Aug-18 to Aug-19 (Sanadle) % Isbedelka

TSD.pdf