Tusaha Sicirka Dambiisha Ee Bisha Abriil, 2020

Dhaqdhaqaaqa Billaha ee Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha

Tusaha Guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha (TSD) qeybaheeda kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray bishii Abriil 2020 kaso kacay 86.28 isaga oo gaaray 87.66. Isbedelka bishii Abriil ayaa ah koror dhan 1.60 boqolkiiba, halka uu bishii ka horeysay ee Maarso 2020 uu ka ahaa koror dhan 1.07 boqolkiiba.

Qaybaha badeecadaha ee sicirkoodu bishaan sida xoogan u siyaaday marka loo eego qeybaha kale ayaa kala ah:  Makhaayadaha &Hoteeladda (10.32%), Tubaakada iyo Jaadka (8.31%), Dharka iyo Kabaha (3.80%), Waxbarashada (2.87%), Cuntada iyo cabitaanadda (2.01%),) Agabka dhaqanka iyo Madadaalada (1.80%).

Dhinaca kale, hoos u dhaca ku yimid sicirka: Badeecadaha iyo Adeegyada iskujirka ah (-1.76%), Agabka Guryaha (-1.03%) ayaa dheelitiray isbedelka togan ee ku dhacay sicirka badeecadaha kor ku xusan, taas oo horseeday isu dhowaanshaha heerka tusaha guud ee sicirka dambiisha iyo jiitimaad ku sugnaansha jaantuuska dhaqdhaqaaqa tusaha guud ee sicirka dambiisha.

Tirooyinka ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqyada Abriil 2020 iyada oo laga eeegayo hanaanka kala soocida badeecadaha

wdt_ID Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Abriil-19 Tusaha Maarso-20 Tusaha Abriil-20 Tusaha Maarso-20 to Abriil-20 (Bile) % Isbedelka Abrii.-19 to Abriil-20 (Sanadle) % Isbedelka
1 TSD ee dhaman qaybaha badeecadaha 83.42 86.28 87.66 1.60 5.08
2 Cunada iyo Cabitaanada 82.74 83.57 85.25 2.01 3.04
3 Mukhaadiradka (tubakada, jaadka iyo sigaarka) 80.30 93.08 100.81 8.31 25.55
4 Dharka iyo Kabaha 80.23 90.46 93.91 3.80 17.04
5 Kirada guryaha, Biyaha, Korontda, Gaas iyo Shidaalada kale 83.06 86.89 86.90 0.02 4.63
6 Agabka Guryaha iyo Dayactirka 85.23 88.85 87.94 -1.03 3.18
7 Caafimaadka 79.79 83.70 84.37 0.80 5,74
8 Gaadiidka 88.20 91.31 91.58 0.29 3.84
9 Isgaarsiinta 85.68 87.55 87.67 0.14 2.32
10 Dhaqanka iyo Madadaalada 95.75 102.18 104.02 1.80 8.64
Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Abriil-19 Tusaha Maarso-20 Tusaha Abriil-20 Tusaha Maarso-20 to Abriil-20 (Bile) % Isbedelka Abrii.-19 to Abriil-20 (Sanadle) % Isbedelka

TSD Abriil 2020