Tusaha Sicirka Adeegga Dambiisha Ee Bisha Sabteembar, 2019

Tusaha guud ee Sicirka Adeegga Dambiisha qeybaheeda kala-duwan ayaa intii lagu guda jiray bishii Sabteembar kor uga soo kacay 83.7 gaarayna 84.3.  Isbedelka bishii Sabteembar ayaa ah kor u kac dhan 0.8 boqolkiiba, halka uu bishii ka horeysay ee Agoosto hoos u dhacay 0.6 boqolkiiba.

Qaybaha badeecadaha ee sicirkoodu bishaan sida xoogan u siyaaday marka loo eego qeybaha kale ayaa kala ah: qaybta caafimaad (+2.7%), Agabka Dhaqanka iyo Madadaalada (+2.7), qaybta Qalabaynta iyo Dayactirka Guryaha  (+2.5%), Cunada iyo Cabitaanka (+1.2%), qaybta kirada Guryaha, Adeegyada Biyaha, Korontada, Gaaska cunada iyo Shidaalka (+0.6%) iyo Makhaayadaha iyo Huteellada (+0.2%).

Dhanica kale, hoos u dhac ku yimid sicirka: qaybta mukhaadaraadka Tubaakada, Jaadka iyo Sigaarka (-2.6%), Dharka iyo Kabaha (-1.0%), ayaa dheelitiray isbeddelka togan ee ku dhacay sicirka badeecadaha kor ku xusan, taas oo horseeday isu dhawaanshaha heerarka Tusaha guud ee Sicirka Dambiisha iyo jiitimeed ku sugnaasha Jaantuuska dhaqdhaqaaqa Tusaha guud ee Sicirka Dambiisha.

Tirooyinka ugu muhiimsan dhaq-dhaqaaqyada Sabteember 2019 iyada oo laga eeegayo hanaanka kala soocida badeecadaha

wdt_ID Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Sep-18 Tusaha Aug-19 Tusaha Sep-19 Tusaha Aug-19 to Sep-19 (Bile) % Isbedelka Aug-18 to Aug-19 (Sanadle) % Isbedelka
1 TSD ee dhaman qaybaha badeecadaha 75.4 83.7 84.3 0.8 11.9
2 Cunada iyo Cabitaanada 73.6 80.8 81.8 1.2 11.1
3 Mukhaadiradka (tubakada, jaadka iyo sigaarka) 76.0 89.4 87.1 -2.6 14.6
4 Dharka iyo Kabaha 71.2 85.4 84.6 -1.0 18.9
5 Kirada guryaha, Biyaha, Korontda, Gaas iyo Shidaalada kale 74.9 86.4 86.8 0.6 15.9
6 Agabka Guryaha iyo Dayactirka 79.3 84.3 86.4 2.5 9.0
7 Caafimaadka 71.5 78.7 80.9 2.7 13.0
8 Gaadiidka 75.5 90.2 90.2 0.0 19.5
9 Isgaarsiinta 83.9 83.7 83.8 0.1 -0.1
10 Dhaqanka iyo Madadaalada 85.2 87.2 89.6 2.7 5.1
Hanaanka caalamiga ah ee kala soocida badeecadaha (COICOP) Sep-18 Tusaha Aug-19 Tusaha Sep-19 Tusaha Aug-19 to Sep-19 (Bile) % Isbedelka Aug-18 to Aug-19 (Sanadle) % Isbedelka

TSD.pdf