Shaacinta Xeerka Istaatistikada Puntland

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta, Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalimigu waxay shaacinaysaa xeerka Istaatistikada Puntland oo ay meel-mariyeen Golaha Shacabku, madaxweynahuna saxeexay dhammaadkii sannadkii 2019.
Ujeedadda ugu weyn xeerku waa inuu siiyo waaxda statistikada awoodda ururinta, isuduwidda, soosaaridda, falaqaynta iyo shaacinta Tira-koobka dadka, macluumaaadka dhaqaalaha, arrimaha bulshada, hawlaha guud iyo xaaladda ay markaa ku sugantahay Puntland.
Si hadaba looga gudbo cilladda kala dhimanaanta xogta ee hadda jirta, loo joojiyo budcad-xogeedda, loo illaaliyo macluumaadka gaarka ah ee xog bixiyaha, loona illaaliyo tayada guud ahaan xogta la ururinayo:
• Xeerku wuxuu u ogalaanayaa xafiiska Istaatistikada inuu kormeero iskuna dubarido xog-ururin kasta oo ka dhacaysa gudaha Puntland.
• Xeerku wuxuu awood u siinayaa xafiiska Istaatistikada inuu sameeyo hab-cilmiyeed loo isticmaalayo nooc kasta oo xog-ururin ah oo ka dhacaysa Puntland gudaheeda si loo illaaliyo tayada xogta.
• Iyada oo aan la jabinayn mabda’a dhawrista sirta xog bixiyaha, wuxuu xeerku dambi ka dhigayaa diidista bixinta xog Waaxda Istaatistikadu ugu baahatay qorsheynta iyo qiimeynta baraamijyada dhaqan-dhaqaale ee dalka.
• Xeerku wuxuu sheegayaa in Xafiiska Istaatistikadu yahay kaydiyaha Istaatistikada rasmiga ah ee Dawladda Puntland iyo heer federal marka la joogo gudaha Puntland. .
• Xeerku wuxuu sheegayaa in xafiisyada Istaatistikada ee wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladu wada shaqayn toosa la yeelanayaan Waaxda Istaatistikada ee Wasaarada Qorshaynta.
• Xafiiskani wuxuu kaloo xiriirinayaa soo saarayaasha iyo isticmaalayaasha xogta.
Qodobka 17aad ee cutubka 4aad wuxuu leeyahay ‘Ma jirto hay’ad dawladeed, mid shacab, mid ajanabi iyo mid gaaraba oo ka billaabi karta xog-ururin cusub ama wax ka bedelli karta xog hore u kaydsanayd gudaha Puntland iyadoo la isticmaalayo su’aalo qalab xog ururin ama qalab kale oo si toos ah u gudbiya xogta iyadoo aan ogalaansho qoraal ah laga helin wasiirka Wasaarada. Sidea darteed Ciddii doonaysa inay ururiso xog cusub ama isticmaasho xog hore u jirtey waa inay qoraal u soo gudbiyaan Waaxda Istaatistikada ee Wasaarada, iyagoo ku caddaynaya qoraalkooda waxyaabaha hoos ku qoran;
b) Sababta loo ururinayo xogta;
t) Xog noocee ah ayaa la ururinayaa yaase laga ururinayaa;
j) Yaa ururinaya xogta, Xaggee laga Ururinayaa, goormaase la ururinayaa xogta.
x) Dhib iyo faaa’iido intee le’eg ayaa uga iman karta ka qayb galayaasha;
kh) Tallaabooyinka la qaadayo si loo illaaliyo astaamaha (xogta) qofka ka qayb qaadanaya.
d) Iyo sida loo istimaaclayo xogta la qaaday
Qodobka 27aad ee cutubka 6aad wuxuu leeyahay Xog kasta oo uu bixiyo shakhsi, shirkad ama hay’ad dowladeed waxaa loo isticmaalayaa oo keliya isuduwidda iyo lafagurka Istaatistikada sida ku cad xeerkan.

Qodobka 31aad iyo 32aad ee cutubka 7aad waxay dhigayaan ‘Qof kasta oo diida inuu bixiyo xogta uu hayo oo agaasimaha waaxdu ka codsaday iyo cid kasta oo u diida shaqaalaha xafiiska inay galaan meel ay xog uga baahan yihiin wuxuu noqonaya eedeysane

Qodobka 41aad ee cutubka 7aad wuxuu leeyahay Qofkasta oo faldambiyeed ka gala xeerka Istaatistikada iyadoo maxkamadu eegeyso culeyska faldambiyeedka wuxuu muteysanayaa mid ka mid ah ama dhammaan ciqaabahan soo socda;
(b) Xarig (t) Soo celin hanti (j) ganaax Maaliyadeed (x) shaqo joojin mudo cayiman

Xeerka Istaatistikada 2019