Sahanka Caafimaadka iyo Macluumadka Arrimaha bulshada Soomaaliyeed 2020

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarint Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland waxay DFS, dawladaha Xubinta ka ah iyo bahwadaagtooda  la wadaagaysaa farxadda daahfurka iyo shaacinta Warbixinta Sahanka Caafimaadka iyo Macluumadka Arrimaha bulshada Soomaaliyeed.

 Taariikhda  Soomaaliya, waa markii 1aad oo sahanka noocaana la qabto, warbixintaannna lasoo saaro.

Warbixin qoraalleedka sahankani wuxuu xambaarsan yahay xog badan oo gashi iyo hage u noqondoonta dejinta siyaasadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee arrimaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed.

Sahankani wuxuu sidoo kale caawin ardayda, cilmibaarayaasha iyo guud ahaan bahda caafimaadka.

Warbixintani waa heer qaran,  warbixinnada heer  maamul gobolleedna billaha soo aadan ayey soo bixi doonaan insha Allah.

Puntland waxay u mahadcelinaysaa xirfadleydii gabdhaha u badnaa ee dooxooyinka iyo buuraha u lugeeyey iyada oo qoraxda kulushahay, habeyno ku dhaxay baadiye cidla ah si ay magaalo, tuuloyin iyo miyiba xogta uga soo aruurshaa.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa khubaradii farsamo ee ka shaqeeyey soosaarista warbixinta.

Waxaan sidoo kale uga mahadcelinaynaa Hay’ada UNFPA oo khubarada Soomaalida farsamo ahaan isgarab taagay intii hawshaan lagu jiray.

Wadamadii dhaqaale ahaan sahankaan u fududeeyey iyana mahadi haka gaadho.

SHDS Report 2020