Munaasabada Baabuur Wareejinta Mashruuca Biyoole

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Abdiqfar Elmi Hange ayaa 7 gaari kuwareejiyey wasaaradaha kala ah wasaarada Biyaha, Wasaarada Deegaanka, isbadalka Cimilada, Wasaarada xanaanada Xoolaha iyo Wasaarada Qorshaynta ee Puntland
Baabuurtan waxa ay qayb kayihiin mashruuca Biyoole oo uu Maalgalinayo Bankiga Aduunku kaas oo ay fulinayaan Wasaaradaha kor kuxusan.
Munaasabada baabuur wareejinta waxaa goobjoog ahaa Wasiirada kala ah Wasiirka Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Ahmed Mohamed Yusuf Taaraan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada xoolaha Said Osman, Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Marwo Saynbad Ismail Mohamed iyo Masuuliyiin kale.