Daahfurka Buugga daraasad lagu qiimeynayey Saameynta Dhaqan dhaaqaale ee Caabuqa COVID-19 ee deegaannada Puntland

Waaxda Istaatistikada ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa manta baahisay warbixinta daraasad lagu qiimeynayey Saameynta Dhaqan dhaaqaale ee Caabuqa COVID-19 ee deegaannada Puntland.
Dawladda Puntland ayaa billowgii soo ifbixidda caabuqaan waxay qaaday tallaabooyin lagu xadididayo saameynta caabuqani ku yeelan karo bulshada Puntlaand, tallaabooyinkaas oo inta badan ujeedkoodu ahaa yareynta khasaaraha nololeed ee ka dhalan kartay baahitaanka cudurkaan bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale, dawladdaha dunida oo in badan oo kamida ah aynu dhaqaale ahaan ku xiranahay, hadday noqon lahayd wadamada lacagaha ay qurbo joogtu ka taageeraan qoysaskooda ku sugan gudaha laga soo diro ama kuwa aynu xiriirka ganacsi laleenahay ayaa Iyana qaaday talaaboyin ay ku xadidayaan dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo ganacsiga.
Taalabooyinkaan ka hortaga ah ayaa dhanka kale watay culeys xaga hab-nololeedla qoysaska, sida hoos u dhaca lacagihii dibadda qoysaska looga soo dirijiray, xanibaaddii dhaqdhaaqyada ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha oo saameyn ku yeeshay shaqada muwaadiniinta.